Tuesday, April 30, 2024

Shiinaha iyo Ruushka oo lasoo baxay Weji Cusub oo ay ku Aqoonsanayaan Xarakada Daalibaan

Xilli Mareykanka iyo Dalalka Reer Galbeedka ka baxayaan dalka Afghanistan ayna Caasimadda Kaabul ka socoto daadgureyntii ugu weyneyd ee diblomaasiyiinta, Ajnabiga iyo Shaqaalaha ayey weji cusub lasoo baxeen dowladaha Shiinaha iyo Ruushka.

Dowladaha Shiinaha oo hore xiriir ula lahaa Daalibaan ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay xiriir fiican la yeelato Xarakada Daalibaan ee qabsatay dalka Afghanistan, waxayna sheegtay inay aqoonsan doonto.

Shiinaha iyo Ruushka waxay ka mid yihiin dalalka ugu horeeya ee aan Diblomaasiyiintooda kala bixi doonin magaalada Kaabul, isla markaan ay halkaasi kusii shaqeyn doonaan, iyadoo xiriir la yeelayanay xukuumadda ay dhisto Daalibaan.

Ad

Shiinuhu wuxuu uga digay muwaadiniintiisa jooga Afghanistan inay xarumahooda iyo guryahooda joogaan, oo ay ka digtoonaadaan xaaladda jirta, laakiin waxay sheegtay inay weydiisatay “qeybaha kala duwan ee Afghanistan” in la sugo amniga muwaadiniinteeda.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sidoo sheegtay Axadii inuusan qorshaha ugu jirin inay Diblomaasiyiinteeda kala baxdo dalka Afgahnistan.

Wakiilada Taliban ayaa booqday Shiinaha dabayaaqadii bishii July ee snadkan, halkaas oo ay kula kulmeen wasiirka arrimaha dibadda Wang Yi. Kulankii xilligaas ayaa loo arkay aqoonsi caalami ah oo ay Daalibaan u aqoonsadeen xoog siyaasadeed.

- Advertisement -

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay inay ku dhaqmi doonto siyaasad “faragelin la’aan” ah oo ku wajahan arrimaha gudaha Afghanistan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON