Tuesday, April 30, 2024

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo dib u furay Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya ee Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray xarunta  maamulka hawada Soomaaliya oo dowladdu kala soo wareegeyso Hay’adda Q/Midoobay ee ICAO.

Munaasabad ka dhacay xarunta cusub ee hagidda hawada Soomaaliya oo ku taalla  Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin iyo marti sharaf kala duwan ayaa lagu xusay maalinta taariikhiga ah ee la wareegidda dowladda Soomaaliya hawadeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo wareegay xarunta, isagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta hay’adda duulimaadyada Soomaaliya ee ka howlgalaya xarunta, iyadoo Soomaaliya ay buuxisay shuruudihii ku xayirnaa inay dib u hanato maamulka hawadeeda.

Ad

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in hay’addo kale ay ka caawin doonaan maamulka hawada illaa laga tababarayo shaqaale Soomaaliyeed oo awood u leh in ay maamulaan hawadda dalka.

Tallaabadan ayaa loo arkaa guul kale oo u soo hoyatay xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka mid noqon doonta waxqabadyada ugu waaweyn ee xukuumaddaasi ku xaqiijisay.

SAWIRO

- Advertisement -

Image may contain: one or more people, people standing, shoes and outdoor

Image may contain: 7 people, people sitting

- Advertisement -

Image may contain: 3 people

Image may contain: 3 people, people standing

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON