Wednesday, May 1, 2024

Ra’iisal wasaaraha UK oo u jawaabtay Donald Trump & Xiriirkii labada Dal oo sii xumaanaya

Ra’iisal wasaaraha UK Theresa May ayaa jawaab u dirtay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo sheegtay inuu ku khaladanaa sii faafinta muuqaallo Islaam naceyb xambaarsan oo ay lahaayeen Caddaanka Cunsuriuiinta Garabka Midig.

Iyadoo ka hadleysay xiriirka labada dal ee UK iyo US ayay sheegtay in sii socoshada xiriirka dhexeeya labada dal  uu yahay mid labada dalba ay dani ugu jirto oo dal gaara aanu lahayn.

Theresa May ayaa ku gacan seyrtay dalabayda ah inay baajiso booqasho rasmi ah oo uu Trump ku imaan doono UK sanadkan, waxaana dalka Ingiriiska ka socda olole looga horjeedo in Trump uu dalkaasi booqasho ku tago.

Ad

Hadalka Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa laga soo xigtay iyadoo socdaal ku mareysa dalka Jordan, waxaana sii kordhaya xiisada uu dhaliyay muuqaalo uu faafiyay Doland Trump iyo hadallo kulul oo uu ka sheegay ra’iisal wasaaraha Ingiriiska.

Mar sii horreysay Donald Trump ayaa Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May u sheegay inaysan isaga ku mashquulin oo  ay diiradda saarto argagixisada UK kadib markii uu faafiyay muuqaallada islaam naceybka ee been abuurka ahaa.

Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump sidaa yeelo”. basle Afhayeen u hadashay Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa sheegtay in May iyo hogaamiyeyaasha kale ee caalamku ay ogaadaan “in halistani ay tahay mid dhab ah oo loo baahan yahay in laga wada hadlo”.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON