Wednesday, May 1, 2024

Qarax xoog leh oo ka dhacay magaalada New York & xaalad kacsan oo ka jirta [Sawirro]

Qarax xoog weyn ayaa ka dhacay magaalada NewYork ee dalka Mareykanka, iyadoo weli uu socdo baaritaanka cidda ka dambeysay.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafad ee degmada Manhattan, bartamaha  magaalada New York. waxaana la dhigay goob qashinka lagu ururiyo. Boolisku ayaa sheegaya in qaraxa loo geystay si ulakac ah.

29 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa, isagoo dhaliyay xaalad kacsan oo magaalada New York ay gashay, waxaana la arkayay boqolaal dad ah oo ka firxanaya goobta qaraxa ka dhacay.

Ad

Qaraxan ayaa yimid saacado ka dib markii bam tubbo ku jiray uu ku qarxay xaafad ku taalla gobolka New Jersey, halkaasoo u dhow meel lagu waday inuu ka dhaco orod ay ka qayb qaadan lahaayeen xubno milateriga ka tirsanaan jiray oo doonayey inay lacag sadaqo ah uruuriyaan. Cidna kuma aysan dhaawacmin.

Magaalada New York ayaa ku jirta diyaargarow weyn oo dhinaca amniga ah, waxayna marti gelin doontaa shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo madax badan oo caalamka ka socda ay ka qeyb geli doonaan.

newyorknewyork1newyork2newyork3

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON