Wednesday, May 1, 2024

Q/Midoobay oo War kasoo saartay taageerada ay siineyso Shirka Muqdisho iyo hoggaaminta Rooble

War kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay taageero buuxda u hayaan Ra’iisal wasaare Rooble.

Qoraalka oo ku beegmay iyadoo uu maanta furmayo shirka Qaran ee Wadatashiga Doorashooyinka ayaa UNSOM sheegtay in la kulantay Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada, ayna ku dhiirigelisay inay daacadnimo uga qeyb galaan Shirka.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa sharaf u ahayd in ay la kulantay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda xubnaha ka ah Federaalka maalmihii la soo dhaafay. Waxaan ku dhiirrigelinnay dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay si daacadnimo leh uga qeybgalaan Shirka Muqdisho ka dhacaya si dhakhso looga heshiiyo hirgelinta doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Ad

Waxaa madaxda Soomaalida laga dalbaday inay muujiyaan tanaasul. ” Tanaasul iyo is afgarad ayaa loo baahanyahay si Soomaaliya ay horay ugu sii socoto ugana faa’iideystaan dhammaan dadka Soomaaliyeed”.

Q/Midoobay waxay caddeysay inay taageero buuxda sineyso Maxamed Xuseen Roble, waxaana qoraalka lagu soo gabagabeeyay: “Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda kale ee Soomaaliyeed waxa ay heystaan taageerada Qarammada Midoobay ee ku aaddan guuleysiga Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ee ay Soomaalidu hoggaamineyso.”

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON