Wednesday, May 1, 2024

Nin Mindi sitay oo lagu toogtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Amsterdam, Holland

Booliska dalka Holland ayaa toogtay nin Mindi ku hubeysnaa oo halis geliyay dad ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada  Amsterdam ee dalka Holland.

Ninkan ay Boolisku toogteen, kadibna xireen isagoo dhaawac ah, kadib markii Toorey ugu hanjabay dad rakaab ahaa, taasoo cabsi iyo argagaxa ka dhalisay garoonka Schiphol Airport oo ah mid ka mida garoomada ugu mashquulsan Qaaradda Yurub.

Qeyb ka mida garoonka ayaa laga daadgureeyay dadkii ku sugnaa, waxaana garoonka hareysay xaalad degdeg markii ay ciidamo fara badan soo galeen, iyadoo kadibna markii ninka Tooreyda watay la qabtay xaaladu caadi ku soo noqotay.

Ad

Afhayeenka Booliska  Stan Verberkt  ayaa Reuters u sheegay inaysan jirin cid kale oo falkan wax ku noqotay, ciidamada milateriga ay toogteen ninka Mindida la baxay isagoo dhaawac ahna xabsiga loo taxaabay.

 

Lama oga ujeedka ninkan iyo dhaawaca gaara heerka uu gaarsiisan yahay, mana jirin isbedel ku yimid duulimaadka garoonka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON