Tuesday, April 30, 2024

Muqdisho oo marti-gelineysa Shir ay ka qeyb galayaan wakiilo ka socda ururka Islaamka.. [IOC]

Waxaa la filayaa in maalinta Berri ee Isniinta uu magaalada Muqdisho ka furmo Shirweynaha Bed-qadbka Fikirka iyo la dagaalanka Xag-jirnimada oo ay soo qabanqaabisay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirweynahan ayaa waxaa maalgelinaya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxaana ka qeyb galaya 12 wakiil oo ka socda dowladaha Islaamka. 30 Culimo ah oo ka socda dalalka Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo Aqoonyanno Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa ka dhacaya Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, wuxuuna socon doonaan muddo laba maalmood ah; waxaana shirka khudbado ka jeedin doona culimada lagu casuumay oo ka hadli doona la dagaallanka xagjirnimada, labada maalmood ee uu socdo.

Ad

Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa oo ay ka qeyb galaan Culimo ka socda dalalka islaamka, iyadoo Soomaaliya ka mid tahay dalalka ay sida weyn uga howlgalaan kooxaha xagjirka ah sida Alshabaab iyo Daacish.


Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON