Wednesday, May 1, 2024

Mooshin Shirkadda DP World looga saarayo Dekadda Boosaaso oo la geeyay Baarlamaanka Puntland

20 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta Guddoonka Baarlamaankaasi u gudbiyey Mooshin ka dhan ah Shirkadda DP World oo Gacanta ku heysa dekedda magaalada Bosaaso oo ah isha dhaqaalaha maamulka Puntland.

Xildhibaanadan oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Garowe ayay ka sheegay in shirkadda DP World ay ka baxday heshiiskii ay la gashay Puntland, maadaama aysan wax shaqo ah ka qaban dekadda Boosaaso muddo labo sano ah, iyagoo ugu baaqay inay si deg deg ah uga baxdo dekadda.

Lama oga sababta ka danbeysa Mooshinkan iyo cidda gadaal ka riixeysa, waxaana heshiiska Shirkadda DP World lagu wareejiyey dekadda Boosaaso ansixiyey Baarlamaanka Puntland 27-kii July 2017, iyagoo xilligasi ka dooday heshiiskaas su’aalana ka weydiiyey Wasiirka dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage.

Ad

Puntland oo ku jirta xaalada kala guur ah iyo qabanqaabada doorashada madaxweynaha maamulkaasi, ayaa xilliyadan oo kale waxay Baarlamaanku qaadaan howlo la xisaabtan ah oo aanay sameyn intii ay xilka hayeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON