Wednesday, May 1, 2024

Maxaad ka taqaan Saraakiisha Ajnabiga ah ee Muqdisho ka ugaarsatada Jirka is-miidaamiyeyaasha Alshabaab..?!

Waa saraakiil ajnabi ah oo si weyn u qalabeysan, waxaa loogu yeeraa khabiiro qaraxyada ku takhasusay, mid waliba wuxuu ku raran yahay qalab ciidan iyo jaakado rasaastu karin, waxaana lagu arkaa inta badan goobaha ay ka dhacaan qaraxyada ee is-miidaamiyeyaashu Shabaabka naftooda ku haligaan 

Dan kama gelin dadka dhintay, naxariis uma hayaan, mana gargaaraan dadka dhaawacmay, haddana iyagaa ugu horeeya goobta, shaqadoodu maaha ammaanka iyo nabadgelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, mana aha Soomaali laakiin shaqo weyn ayaa ka soo gashay qaraxyada iyo is-qarxiyeyaasha ay ugaarsadaan jirkooda…!!!.

Waxay leeyihiin ciidamo  Soomaali ah oo la shaqeeya oo mararka qaarkood howshaas ay dowladahooda u soo dirsadeen gacan ka siiya ama u qabta, siiba meelaha halistooda badan tahay, ciidamadaasi Soomaalida ah waxaa mushaarka siiya dalalka ay ka socdaan saraakiishaas ajnabiga ah ee ugaarsata jirka is-miidaamiyeyaasha.

Ad

Dadka aan ka hadlayo waa saraakiil caddaan ah oo kaliya lagu arko meeshii uu Muqdisho qarax ka dhaco ee la isku miidaamiyo, waxaana la keenaa isla marki qaraxyadu dhacaan, waxayna qaataan qeybo ka mida  jirka is-miidaamiyeyaasha Alshabaab ee is qarxiya si ay  baaritaan ugu diraan, una aqoonsadaan.

Waxay ka socdaan hay’adaha sirdoonka iyo dembi baarista dalalka reer galbeedka, waxaana ugu badan Mareykanka, Ingiriiska, Holland iyo dalal kale oo Yurub ah, dhexdooda xiriir wada shaqeyn ayay leeyihiin waxayna dalalkooda u hayaan howl adag oo ah inay aqoonsadaan qof waliba oo is qarxiyay si loo hubiyo inuu ka mid yahay liiska xubnaha dalalkooda ku tuhunsan yihiin argagixisada ay baadi goobayaan.

Liiska ay hayaan Hay’adaha Sirdoonka dowladaha reer Galbeedka waxaa marba laga saaraa qofkii ay aqoonsadaan saraakhiishan meydadka la daba dhigay ee qaabilsan hubinta  jirka meydadka ay baaritaanka u qaataan kadibna  ka hubiyaan hide sidaha DNA-da ee dadka lagu aqoonsado.

- Advertisement -

Waxay dalalkooda u hayaan howl qaran, waxayna ammaanka dalalkooda ka sugayaan gudaha Soomaaliya, halka ciidamadeena ay saraakiishaasi waardiye ka yihiin oo howshooda u fududeeyaan si ka badan gudashada xilkooda ahaa inay ka shaqeeyaan nabadgelyada dadkooda.

Marka aad aragto qaabka loo ilaaliyo saraakiisha danahooda qaran iyo ammaankooda dadkooda u jooga Muqdisho, waxaa cad inay ka muhiimsan yihiin muwaadiniinta dalka ay joogaan, waana dhibaato weyn oo marka aad ogaato ay kuu soo baxeyso heerka qiimaha qofka Soomaalida ahi taagan yahay.

Waxaa la yaab leh in warbixinta iyo caddeymaha ay ururiyaan aysan la wadaagin dowladda Soomaaliay iyo Hay’adaheeda amniga sida uu sheegay taliyihii hore ee NISA C/llaahi Sanbaloolshe, waana shaqo xanuun leh oo ka dhex socota dhiigga badan ee ka daadanaya dadka Soomaalida.

SAWIRRO SARAAKIISHA OO SHAQADOODA WATA

- Advertisement -

Waxa diyaariyay: Goobjooge.net

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON