Wednesday, May 1, 2024

Maxaa kasoo baxay shirkii degdegga ahaa ee Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya..?

Shir degdeg ah oo ay caawa isugu yimaadeen Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan oo uu isugu yeeray isla markaana uu guddoominayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ujeedkiisu ahaa in go’aan laga soo saaro xaaladda cakiran ee ka dhex taagan maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in shirka ay hareeyeen doodo kulul oo ku saabsan xiriirka maamullada dalka iyo dowladda Federaalka, waxaana lagu waday inuu ka qeyb galo madaxweyne Farmaajo sida ka muuqatay ammaanka iyo qabanqaabada shirka, waxaase madaxweynaha uu mar dambe go’aansaday inuusan tegin shirka.

Ad

Waxaa shirka hareeyay xiisadda siyaasadeed ee ka dhex oogan dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug oo keentay in dowladda Federaalka ay culeys saarto madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, isaguna uu diido wafdi ay dowladda u diri lahayd Cadaado.

Shirkii caawa ayaan wax go’aan ah laga soo saarin kadib dood dheer oo salka ku heysa arrinta ka dhalatay go’aankii dowladda ka qaadatay arrinta khilaafka Khaliijka oo saameyn xun ku yeelatay xiriirka maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON