Sunday, May 5, 2024

Madaxweyne Xaaf oo afka furtay: “Dowladda Federaalka ayaa Shan Saac igu celisay Garoonka Hargeysa..,”

Madaxwaynaha Galmudug Axmad Ducaale Geelle Xaaf ayaa afka furtay isagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ku xayirtay magaalada Hargeysa oo diyaaradii uu soo raaci lahaa ay ka hor istaagtay.

Xaaf oo galabta ku laabtay magaalada Cadaado, isla markaana la hadlayay dadkii soo dhoweeyay ayaa si caro leh ugu sheegay in diyaaradii kasoo qaadi lahayd ay xayirtay dowladda Federaalka, isagoo muddo 5 Saacadood ku sugnaa Garoonka magaalada Hargeysa oo uu kolba diyaarad la heshiinayay.

Ad

Wuxuu si cad u sheegay in dagaal ciddiyo ku dirir ah sida uu yiri ay ku wado dowladda Federaalka, isagoo ugu baaqay dadka Galmudug inay iska ilaaliyaan dad uu sheegay inay soo diri doonto dowladda Federaalka oo sheegay inay yihiin Masaamiir. Wuxuuna ogeysiiyay maamul Goboleedyada kale iyo Beesha Caalamka faragelinta ay dowladda Dhexe ku heyso maamulkiisa.

Xaaf oo dhowaan taageeray lana saftay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraaadka  ayaa dhowaanahan ku maqnaa dalka Imaaraadka isagoo sheegay inuu qaraab ku maqnaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON