Wednesday, May 1, 2024

Madaxweyne Trump oo tallaabo yaab leh ku dhaqaaqay markii uu faafiyey Video looga horjeedo Dadka Muslimiinta ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qaaday tallaabo aan hore loo arag kadib markii uu dib u faafiyay Muuqaalo dhowr ah (Videos) looga horjeedo muslimiinta oo ay soo saareen xoog xagjir ah oo ka dhisan dalka Ingiriiska.

Trump ayaa dib ugu faafiyay boggiisa twitter-ka oo ay ku xiran yihiin 44 Milyan oo qof ilaa saddex Video oo ay leedahay kooxda “Britain First” oo ah koox caddaan xagjir ah oo si weyn u neceb dadka muslimiinta ah, waxayna muuqaaladaasi naceyb ka faafinayaan dadka muslimiinta ah iyagoo u muujinaya dad dagaal u joog ah oo doonaya inay burburiyaan reer Galbeedka.

Inkastoo madaxweyne Trump uu marar badan sheegay in muslimiinta ay halis ku yihiin jiritaanka Mareykanka iyo Yurub haddana waa markii ugu horeysay ee uu ku dhaqaaqo inuu  faafiyo muuqaalo si toos ah cunsuriyad ugu dhisan oo muslimiinta ka dhan ah.

Ad

Arrintan ayaa  caro weyn ka dhalisay dalka UK, waxayna xisbiyo iyo ururo badan ay si weyn u cambaareeyeen falka uu ku dhaqaaqay madaxweynaha Mareykanka, halka saxaafadda Mareykanka ay is weyn u hadal heysto, waxaana faahfaahin laga sugayaa Aqalka cad.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON