Wednesday, May 1, 2024

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha & Wasiir Maareeye oo Warar kala duwan kasoo saaray Qaraxii Garowe.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay xalay magaalada Garowe iyo geerida guddoomiyihii Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay tacsi uu diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo kadib geeridii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’ Jir), wuxuuna xiriir khadka telefoonka kula sameeyay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, isagoo . geerida marxuumka uga tacsiyadeeyay bulshada iyo Maamulka Puntland.

Ad

Dhinca kale Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa isna tacsi diray, wuxuuna farriintiisa ku yiri: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii Garowe.. Waxaan Alle uga baryaynaa in uu u naxariisto. إنّا لله وإنّا إليه راجعون”

Waxaa isna War soo saaray Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo cambaareeyey qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Garoowe, wuxuuna Alshabaab ku eedeeyay inay xaalad kasta gumaadayaan dadka Soomaaliyeed.

“Arxan darrada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed waa mid qof kasta oo damiir leh uu ka dhiidhiyo. Wakhtiyadii abaaraha adag ay ka dhaceen dalka, fatahaadihii sababay xaaladaha binu aadantinimo iyo maanta oo aan la tacaaleynayo ka hor tagga cudurka Koroona intaas oo xaaladood iyo kuwo ka adagba argagixisadu waxa ay la barbar socdeen gumaad iyo weeraro bahalnimo ah.” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON