Tuesday, April 30, 2024

Madaxweynaha Turkiga oo soo bandhigay Xabbad joojin degdega oo ka dhaqan gasha Ukraine

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ugu baaqay Ukraine iyo Ruushka inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka ka socda dalka Ukraine oo si waanwaan nabadeed loo bilaabo.

Isagoo ka hadlayey magaalada Ankara, kadib kulan uu yeeshay Golaha Wasiirada ee dowladda Turkiga ayuu sheegay in xilligan baahi loo qabo soo celinta nabadda adduunka, wuxuunao sheegay inay diyaar u yihiin waanwaanta labada dal, isagoo taageeray in la ballaariyo Gaashaandbuurta NATO.

Madaxweyne Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara wax la weydiiyay dalabka Ukraine ee ka mid noqoshada Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in Turkiga oo muddo dheer sugayey inuu ka mid noqdo Midowga Yurub, uu taageeri doono ballaarinta Gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub.

Ad

Madaxweynaha Turkiga ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in ay dalkiisa u muujiyaan dareen la mida tan ay u muujiyeen dalabka xubinnimada dalka Ukraine, wuxuuna ku eedeeyay dalalka Yurub inaysan daacad ahayn. “Ma waxaad codsiga Turkiga tixgelin doontaa marka nala soo weerarro?” ayuu yiri Erdogan.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa xuduud badeed la wadaaga Ukraine iyo Ruushka, wuxuuna xiriir fiican la leeyahay labada dal.

Turkiga ayaa Isniintii ku dhawaaqayinuu xirayo marinadeeda Badda madow, xilli uu Ruushku ku duulay dalka Ukraine, taasoo ka xaddidaysa marinka qaar ka mid ah maraakiibta Ruushka ee ka soo gudbaya Badda Mediterranean-ka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON