Tuesday, April 30, 2024

Madaxweynaha Mareykanka oo ku dhawaaqay Cunaqabateyn lagu soo rogay Dalka Ruushka

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa khudbad uu goor dhoweyd jeediyay oo ku saabsan xaaladda Ukraine, wuxuu ku dhawaaqay cunaqabatayn xooggan iyo xayiraad cusub oo la saarayo dalka Ruushka.

Wuxuu shaaciyey in Mareykanka aanu keligiis ku ahayn Cunaqabteynta oo ay la jiraan 27-ka Dal ee Midowga Yurub iyo Dalalka G7.

Cunaqabateynta lagu dhawaaqay ayaa kala ah:

Ad

1- In la xaddido awoodda Ruushku inuu ku ganacsado Lacagaha Dollar, Euro, Pounds iyo Yen.

2- In la joojiyo ilaha dhaqaalaha ee farsamada Milateiga Ruushka.

3- Cunaqabatayn la saaray Bangiyada Ruushka oo si wadajir looga xayiray hanti dhan $1 tirilian.

- Advertisement -

4- In laga xayiro Teknolojoyada casriga ah ee Qarniga 21aad.

Joe Biden ayaa ku adkeystay in xayiraada la saaray Ruushka ay waqtiga dheer xanuun badan ku keeni doonto dhaqaalaha Ruushka, taasina uu mas’uuliyadeeda qaadi doono Vladamir Putin oo doortay dagaal.

Wuxuu caddeeyay in Mareykanka aanu ciidamo u diri doonin dalka Ukraine si ay ula dagaalamaan Ruushka, laakiin ay taageero buuxda la garab taagan yihiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON