Tuesday, April 30, 2024

Madaxweynaha Hirshabeelle: “Walaalaha ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan, waxay taageerayaan Alshabaab…”

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa baaq kasoo saaray dagaallada ka socda Gobolka Hiiraan ee u dhaxeeya beelaha wada degan gobolkaasi.

Wuxuu sheegay in dagaal-beeleedyada ka soo cusboonaaday degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dagaalladasi, iyadoo maamulka Hirshabelle diyaar u yahay inuu gacan ka geysto joojinta colaadaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle oo hore loogu eedeeyay inuusan ka hadlin dagaalka ka socda degaanka Maxaas ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, wuxuuna baaqiisa ku yiri: “Walaalaha ku dagaalamaya Hiiraan ha ogaadaan in colaadaha ay galayaan ay yihiin kuwo lagu taageerayo kooxda Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON