Wednesday, May 1, 2024

Madaxda Daalibaan oo si weyn usoo dhoweeyay Maxbuus laga sii daayey Guantanamo (Sawirro)

Dowladda Islaamiga ee Daaliban oo hadda ka talisa dalkaAfghanistan ayaa si diiran usoo dhoweysay ninkii ugu danbeeyay ee laga sii daayo xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanku maamulo.

Ninkan Asadaluah Haaruun oo Daalibaan u ah geesi iyo halyey qaran ayaa ka mid ahaa labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsiga Guantanamo 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Daaliban ayaa sheegtay in sii deynta Asadullah Haaruun ay ka dhalatay xiriir toos ah oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Daaliban. Maxbuuskan ayuu Mareykanku ku wareejiyey Diblomaasiyiinta Daaliban ee magaalada Doha.

Ad

Madaxda Afghanistan iyo dadweyne ayaa si weyn ugu soo dhoweeyay maxbuuskan garoonka Magaalada Kabul, waxaana loo sameeyay maamuus heer qaran ah oo ciidamada gaarka ah ee dalkaasi ay kusoo dhoweeyeen.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON