Wednesday, May 1, 2024

Maamulka Trump oo ku dhaqaaqi doona tallaabo si weyn uga careysiin doonta Muslimiinta [Akhriso]

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu ku dhaqaaqo tallaabo si weyn uga careysiin doonta dadka muslimiinta ah oo dowladihii hore ee dalkaasi ay iska ilaalin jireen.

Mas’uuliyiinta  dalka Mareykanka ayaa ayaa laga soo xigtay in madaxweyne Trump uu toddobaadka soo socdo ku dhawaaqi doono tallaabada xigta ee ku aadan in Mareykanka uu magaalada Qudus u aqoonsan doono inay tahay caasimadda Isra’iil.

Tallaabadan ayaa laga cabsi qabaa inau huriso colaad hor leh oo u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Isra’iil, waa haddi uu Mareykanka uu u aqoonsado inay tahay magaalo ay leeyihiin Yuhuuda.

Ad

Qaramada midoobay ayaan bariga magaalada Qudus u aqoonsaneyn inay tahay dhul ay leeyihiin Falastiiyiinta, waxaana arrintan ka dhalan karta burbur ku yimaada wadahadalkii mudadda dheer socday ee Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololihii doorashada waxaa uu horay u ballan qaaday in safaaradda Mareykanka ee dalka Isra’iil loo rari doono magaalada Qudus.

Madaxwyene Trump oo muujiyey naceybka uu u qabo islaamka iyo jaceylka darran ee uu u hayo Yuhuudda ayaa arrintan ku soo beegmeysaa xilli Sacuudiga oo ahaa dalka ugu weyn dowladaha islaamka ee sunniga ah uu u sii dhowaanayo Israa’iil.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON