Tuesday, April 30, 2024

LA-YAAB: 30 sano ayuu Booliska baxsad ka ahaa, wuxuuna isu bedelay haweeney

Booliska Mareykanka ayaa ugu danbeyn aamisan nin loo raadinayay kiisas dil ah 30 sanadood ka hor uu isu bedelay haweeney.

Ninkan oo lagu magacaabo John Kelly Gentry Jr ayaa markii ugu dambeysay ee warkiisa la maqlo ay ahayd sanadkii 1983, markaasoo uu khadka ka baxay, lana waayay meel uuy jaan iyo cirib dhigay.

Waxaa loo heystaa inuu Toorey ku dilay gabar ay saaxiib ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Barbara Gerber, oo laga helay guri ku yaala Summerfield Township, Michigan. Waxaa kaloo loo heysaa maalmo kadib dilkaasi inuu haddana dilay nin ay xiriir lahaayeen oo la oran jiray William Veith, sida ay soo weriyay Reuters.

Ad

Dembi baarayaasha Mareykanka ayaa aaminsan in John Kelly uu ka mas’uul ahaa dilka labadaas qof, laakiin waxaa dhacday arrin yaab leh oo keentay in la waayo ninkaasi muddo 30 sanadood ah la raadinayay.

Booliska ayaa hadda sheegay inay rumeysan yihiin in John Kelly sida uu ku badbaaday xilligaas oo dhan ay tahay inuu iska dhigay haweeney sidaasina ku nool yahay, waxaana la helay 5 sano ka hor warar sheegaya inuu ku nool yahay magaaalda California oo dharka haweenka uu qaato iskana dhigo haweeney magacana bedeshay.

Sida uu xilligaas dheer ku baxsaday ninkan ayaa lagu sheegay isagoo nolol hoose u wareegay isla markaana aan ka soo muuqan dhammaan baaritaanadii FBI-da.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON