Wednesday, May 1, 2024

Khadiijo Diiriye oo taageertay Heshiiska Jiheynta Doorashada, kana furatay hoggaamiyaha siyaasadda Beesha

Sii-haya Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa si buuxda u taageeray heshiiska Doorashada ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ay ku gaareen Muqdisho, kaasoo la filayo inay maanta u codeeyeen labada aqal ee Baarlamaanka.

Khadiijo Diiriye oo hore Barlamaanka uga sheegtay inaan waxba laga bedeli karin sharciga Doorashada Qof iyo Codka ah ee Golaha Shacabka ansixiyey oo kaliya Maxkamad Sare ay jebin karto ayaa hadda isbedel ku yimid, waxayna qoraal taageero ah ku tiri:

“Sharci waxaa ah wixiii ay umadda isla ogolaato oo iska qaadato… Madaxweyne Farmaajo waa ka dhabeeyay sida danta dalka iyo dadka ku jirto..” .

Ad

Hoggaamiyaha siyaasadda Beesha Shanaad Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Muudey ayaa ka hor yimid ansixinta heshiiskan, iyadoo ay arrintan ku kala leexdeen, Wasiir Khadiija iyo hoggaamiyaha Beesheeda, inkastoo uu mowqifkisiii kasoo debcay, waxayna hore si la yaab leh u taageeri jitay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay ka mid noqotay wasiirkii u codeeyay in kalsoonida lga qaado xukuumadii ay ka midka ahayd.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON