Wednesday, May 1, 2024

KASHIFAAD: Maamulka Hay’addii Nabadsugidda & Sirdoonka Somalia ee NISA oo u gacan galay hal Shaqsi

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Somalia ee NISa ayaa agaasime la’aan ah muddo ka badan, iyadoo uu xilka iska casilay agaasiihii Hay’addaaasi, isla markaana markaas ka hor xilalkii laga qaaday agaasime ku xigeenadii Hay’adda.

NISA oo inta badan ku shaqeyn jirtay Agaasime iyo laba agaasime ku xigeen ayaa isbedel ku dhacay kadib markii uu xilkeeda qabtay Xuseen Cismaan Xuseen oo bishii Febraayo 2018 xilka loo magacaabay, waxayna muddo kadib isku dhaceen ku xigeenadiisii oo ugu dambeyn shaqadii laga joojiyey, kadibna xilalkii laga qaaday [Akhriso].

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa 16-kii Ogost isku shaandheyn ku sameeyay talisyada ciidamada qalabka sida, waxaana si lama filaan ah xilka agaasime ku xigeenka loogu magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji  Daahir oo ahaa agaasimaha Madaxtooyada Soomaliya. [Akhri isbedelladii talisyada ciidamada]

Ad

Tallaabadaasi oo indhaha dadka ka dheereysay Fahad Yaasiin oo loo arko ninka ugu awoodda badan dowladda Farmaajo ayaa haddana waxaa xilkii agaasimaha NISA iska casilay Xuseen Uurkuus 13-kii Okoobar, isagoo markaas kadibna noqday musharax u taagan xilka madaxweynaha K/Galbeed. [Akhri Warka]

Wixii ka dambeeyay bartamihii Oktoobar waxaa maamulka Hay’adda NISA gacanta ku wada dhigay agaasime ku xigeenka iyo kusimaheeda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo aanay jirin cid ku wehlisa; waxaana wixii markaas ka danbeeyay aan laga waayey fagaarayaasha siyaasadeed, wuxuuna ka baaqsaday kulankii uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada kadib qarixii Hotel Saxafi ee 9-ka November ee dadka badan lagu laayey. [Akhriso]

Isbedel weyn ayaa ku socda Hay’adda NISA, waxaana laga wareejiyay ciidamo badan oo Boolis laga dhigay, waxaan socda qorshe dowladda Qatar ka danbeyso oo dib loogu habeynayo howsha NISA, iyadoo qandaraaskaasi la siiyey Sirdoonka dalka Suudaan. {Akhriso}

- Advertisement -

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuusan diyaar u ahayn xilligan inuu magacaabo agaasime cusub oo NISA yeelato, waxaana laga yaabaa inay sidan sii ahaato muddo dheer, taasoo NISA ka dhigeysa hay’ada uu hal qof iska maamusho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON