Tuesday, April 30, 2024

Jaamacad Uganda ku taala oo Shahaadooyin been ah oo ay u sameysay Wasiiro Somali ah [Jaamacad Jobkey oo ku lug leh]

Jaamacadda ku taalla dalka Uganda Stafford University ayaa la xiray kadib markii la ogaaday inay shahaadooyin been abuur ah siisay wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa baaritaan lagu sameeyay uu soo shaac bixiyey fadeexadan Waxbarasho, waxaana saxaafadda dalka Uganda ay saaka soo daabaceen kiiska Jaamacadda Stafford oo bah-wadaag la ah Jaamacadda Jobkey ee Soomaaliya laga leeyahay.

Ad

Natiijo imtixaaneed been abuur ah iy shahaadooyinkooda oo gaaraya 79 ayaa la ogaaday inay been abuur ahaayeen oo jaamacadda Standford ay sameysay markii ay kasoo dalbatay Jaamacadda Jobkey ee ku taalla magaalada Muqdisho.

Ciidamo gaara ayaa xiray jaamacadda Stafford University, markii si hoose loo ogaaday in Shahaadooyinka beenta ah loo diray wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Baaritaanka fadeexadda ayaa hareysay dalka Uganda, waxaana socda baaritaan buuxa iyadoo wargeystada Uganda ay qoreen kiiskan uu ku bilowday codsi uu jaamacadda Stafford u diray ku xigeenka guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey Kamal Mohamed.

- Advertisement -

Image result for jobkey

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON