Tuesday, April 30, 2024

Guddiga Doorashooyinka oo la kulmay Madaxweynaha K/Galbeed & C/shakuur oo Cambaareyn u jeediyey

Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayaa maanta  magaalada Baydhaba kula kulmay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Laftagareen, iyadoo sheegay inay xafiisyo ka furanayaan magaalada Baydhaba.

Gudoomiyaha Guddiga Xaliimo Ismaaciil  ayaa sheegtay inay howlo shaqo u tageen magaalada Baydhabo, iyagoo doonaya inay xafiis ka furtaan, kuna qabtaan Seminaar wacyigelin ah iyo qorshe kale oo lagu buuxinayo laba kursi oo ka bannaan baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha KG Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo dhaweeyey waxqabadka Guddiga, isagoo u ogolaadey kuna dhiirageliyey xafiiska Guddiga uu ka furanayo Baydhabo.

Ad

Dhinaca kale siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa si weyb u dhaliilay Guddiga Doorashada oo uu sheegay inay weli ka hadlin tacadiyada ay dowladda Soomaaliya kula kacsday xisbiyada diiwaan gashan ee ay ka joojisay seminaaro ay qabsan lahaayeen.

“Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan waxay ka aamuseen xadgudubka joogtada ah ee lagula kacayey Xisbiyadii uu Gudigu diiwan geliyey, waxay degan yihiin Villa Somalia, dhexdooda ayaa isqabsaday oo xubin Baarlamaanka ansixiyey la yiri Gudiga waa laga saaray, laakin maanta ayey kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan K/Galbeed lumiyeen, kadib markii ay sida sawirkan ka muuqata la yiri soo xalaaleeya doorashadii Koonfur Galbeed..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo sidoo kale sheegay inay guddiga bixiyeen tilmaan hordhac nooca doorasho oo ay Villa Somalia doonayso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON