Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dadweynaha caasimadda Muqdisho inay joojiyaan isu imaatinka Hoteelada iyo maqaayadaha, siiba kuwa ku yaalla xeebta Liido.
Baaqan ayaa kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo xalay shirkii todobaadlaha maamulka Gobolka Banaadir la yeeshay guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasoo ka dhacay xarunta Degmada Shangaani.
Guddoomiyaha G/Banaadir dalbaday in la joojiyo isku imaatanka Bulshada si loogu fogaado faafista cudurka Covid-19 oo si fudud lagu kala qaadi karo taabashada iyo Neefta, wuxuuna si gaara u tilmaamay Maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala Liido oo Bulshada si aad ah isugu yimaadaan.
Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa isna sheegay in wareegto laga soo saari doono goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan sida Hoteellada iyo Baararka, iyadoo lagu wado in la mamnuuco.
Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda Cudurka COVID-19, waxaana kaqeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta Coronavirus iyo mas’uuliyiin kale.