Wednesday, May 1, 2024

Gabar iyo hooyadeed oo ka mid noqday dadkii ku dhintay Qarixii ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Qarax miino ayaa maanta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay saddex qof sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka dowladda Federaalka.

Qaraxa oo loo maleynayo inuu yahay miino la dhigay meel  u dhow saldhiga ay ciidamada ku leeyihiin dowladda suuqa Bakaaraha. Saddexda qof ee dhintay ayaa waxaa ka mida gabar iyo hooyadeed, halka qofka saddexaad uu yahay askari.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macallin Shukri ayaa sheega inuu qaraxa ahaa miino, waxaana ku dhintay saddex ruux. waxaana dhaawac ka soo gaaray afar qof oo kale.

Ad

Qaraxa ayaa wararku sheegayana in lala damacsanaa Gaari ay wateen Ciidamada Dowladdaoo halkaas marayay balse ay ka badbaadeen ayna ku waxyeeloobeen dad rayid u badan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON