Wednesday, May 1, 2024

Faahfaahin: Dil khaarijin ah oo ka dhacay Xaafad ka mida magaalada Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil khaarijin ah oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii koox hubeysan ay toogasho ku dileen nin dhalinyaro ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Arjantiin ee degmada Kaaraan, waxaana koox ku hubeysan bistoolado ay beegsadeen nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cadaawe Cabdulle Fareey, iyagoo rasaas dhowr ah ku furay, kadibn baxsaday markii uu geeriyooday.

Dadka xaafadda ayaa laga soo xigtay in ninka la dilay uu ka tirsanaa ciidamada Hay’adda Ciidamada Nabad-sugida iyo Sirdoonka ee NISA , waxaana halkaasi gaaray ciidamada Booliska oo ka qaaday meydkiisa, iyadoo dilkan uu ahaa midkii ugu horeeyay oo toddobaadyo ka dhaca magaalada.

Ad

Hay’adaha amniga dowladda ayaan ka hadlin falkan dilka ah, iyadoo aanay weli cidna sheegan, waxaana dilalka noocan ah caadiyaan fuliya Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON