Wednesday, May 1, 2024

Ergo uu hogaaminayo C/laahi Geedi Shadoor oo ku biiray shirka Dhuusamareeb ee Ahlu Suna

Odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beelaha Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan ayaa bilaabay inay tagaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaasoo uu ka furmi doono shir ay ku dhawaaqday kooxda Ahlu Sunna inay maamul ugu sameyneyso saddexdaas gobol.

shadoor-geedi
C/llaahi Geedi Shadoor

Nabad-doon C/llaahi Geedi Shadoor oo ka mida odayaasha caanka ah ee gobolka Galgaduud ayna isku heyb yihiin madaxweyne Xasan Sheekh ahna siyaasi ka mid ahaa xildhibaanadii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ayaa kamida dadka gaaray magaalada Dhuusamareeb ee la sheegay inay ku biireen shirka Ahlu Suna, waxaana uu si weyn uga horjeeday qaabka wax loogu qeybiyay shirkii Cadaado oo beesha uu ka soo jeedo lagu dulmiyay.

Shirka Dhuusmareeb ee Ahlu suna ku dhawaaqay ayaa hadda u muuqda inay ku sii qulqulayaan shaqsiyaadkii iyo beelihii ka carooday shirkii Cadaado, lamase oga saameynta uu ku yeelan doono maamul lagu dhisayo magaalada Cadaado.

Ad

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON