Sunday, May 5, 2024

Dowladda Somaliya oo war kasoo saartay kulan la faafiyayn inuu dhex maray Xasan Sheekh & Netanyahu [war-Saxaafadeed]

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay arrin la isla dhex maray oo ku saabsan kulan dhex maray madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu oo saxaafadd qaarkeed ay faafiyeen.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in kulanka la sheegay inuu dhex madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil uu yahay mid aan dhicin.

Qoraalka oo si farsmadiisu liidato loo qoray waxaa kaliya laga heli karaa inuu nuxurkiisu yahay inuusan jirin kulanla la sheegay inuu dhex maray labada dhinac iyadoo wasaaraddu xaqiijineyso arrintan, lamana adeegsan ereyo ku saabsan beenin ama in dowladda Soomaaliya ka horjeedo xiriir ay la yeelato Israa’iil.

Ad

QORAALKA HOOS KA AKHRI

Wasaaradda

Tr. July 06,2016
Muqdisho – Soomaaliya

- Advertisement -

War Saxaafadeed (Faafin Degdeg ah).

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka shaqeyneysaa si aan habacsanaan ku jirin abuuridda, cusbooneysiinta iyo xoojinta xiriirka iyo dana wadaaga, taasi oo u adeegeysa danaha qarankeena ee ka qeyb ah wadamada deriska iyo kuwa isbaheysiga nala ah ee dunida daafaheeda .

Soomaaliya waxa ay si guul leh uga soo banbaxday waqti tegay oo adag, ayna u gudubtay xilli cusub oo deganaansho iyo horumar ah. xagashu waxa isku badashay oo ay u jiheysatay dhanka mustaqbal horumarineed oo aad u wacan. Sidaa darteed, waxaa muhiimad u leh Soomaaliya inay la ambaqaado howsha si wax ku ool leh dhammaan bahwadaagta si ay ku jirto awoodaha oo dhan ee la xiriira dhammaan arrimaha xiisa wadaagga leh oo ay ka mid tahay ka hortagidda argagaxisada caalamiga, dhiirigelinta horumarka dhaqaalle iyo fududeynta ganacsiga.

Xilli Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qiimeyneyso dhammaan bahda ay dana wadaaga yihiin, ayna ku dadaaleyso u saldhigidda xiriiro macna leh wadamada isbaheysiga ah iyo kuwa cusub, iyadoo ujeedka yahay hubinta horumarka iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya , Wasaaraddu waxa ay xaqiijineysaa in kulanka la sheegay ee dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel aanu qabsoomin

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON