Tuesday, April 30, 2024

Dowladda Qatar oo ka hor timid Go’aanadii kasoo baxay Shir-Madaxeedyadii ka dhacay Sacuudiga

Dowladda Qatar ayaa ka hor timid go’aannadii kasoo baxay shirarkii degdega ahaa ee dalalka Khaliijka iyo Jaamacadda Carabta ee ka dhacay magaalada barakeysan ee Maka Almukarama.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Althani ayaa sheegay in labadii shir madaxeed ee Dalalka Khaliijka iyo Jaamacadda Carabta aysan raacsaneyn go’aanadii kasoo baxay oo ahaa sida uu yiri kuwo hore u diyaarsan oo aan wax talo ah laga weydiin dalalkii ka qeyb galay.

Wasiirka oo caawa war cad kasoo saaray go’aanka dowladda Qatar oo shirarkaasi uu uga qeyb galay Ra’iisal wasaaraha Qatar C/llaahi Bin Naasir ayaa sheegtay in go’aanada shirarkaasi ay ka horjeedaan siyaasadda arrimaha dibadda dalka Qatar, wxuuuna intaasi ku daray in la eedeeyay dalka Iiraan, iyadoo aan la isku dayin in wadahadal lala galo.

Ad

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar wuxuu caddeeyay in shirkii dalalka Khaliijka looga hadlay midnimada dalalka Khaliijka xilli go’doomin lagu hayo dalkiisa Qatar, isla markaana shirkii dalalka Islaamka aan looga hadleen arrinta Falastiin haddii aanu codsan madaxweynaha maamulka Falastiin, wuxuuna intaas ku daray shirarkii degdegga ahaa ee ka dhacay magaalada Maka qaabka loo qaabeeyay inay ka horjeeday nidaamka shirarkaasi loo qaban jiray, iyadoo dowladda Qatar ay ka aamustay oo aanay raacsneyn go’aanadii kasoo baxay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON