Tuesday, April 30, 2024

Dowladda Jabuuti oo dalkeeda ka ceyrisay weriyeyaashii BBC-da ee u tegay doorashada

Dowladda Jabuuti ayaa muddo saacado ah xirtay kadibna dalkeeda  ka ceyrisay weriyeyaashii BBC-da laamaheeda kala duwan ee dalkaasi u tegay  inay kasoo warramaan doorashada madaxtinimada ee Jimcaha soo socota ka dhici doonta Jabuuti.

BBC ayaa qoraal ay u dirtay dowladda Jabuuti kaga dalbatay inay caddeyso sababta oo xiray muddo 16 saacadood ah weriyeyaasheeda kadibna looga soo eryay dalkaasi iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin

Kooxda BBC-da ee Jabuuti arrintan ku qabsatay waxaa ka mida Tomi Oladipo oo BBCda uga warrama nabadda, wuxuuna Jabuuti u tegay inuu warbixino ka diyaariyo doorashooyinka dalkaasi, kooxda BBC-da waxaa ruqsad siiyay  Guddoomiyaha Waaxda isgaarsiinta dowladda Jabuuti iyadoo loo ogolaaday inay shaqadooda saxaafadeed ka wadan karaan Jabuuti, sidaas waxaa sheegay BBC-da qeybta Afrika la hadasha.

Ad

Kooxda weriyeyaasha BBC-da waxay wareysteen Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, iyo hogaamiyaha mucaaradka Jabuuti Cumar Cilmi Kheyre, markii ciidamo dhar cad ah ay qabteen oo muddo 8 saacadood ah ay su’aalo weydiinayeen, waxaana la sii hayay iyadoo aan ogolaan inay wax xiriir ah la sameeyaan dibadda, waxaana diyaarad laga saaray garoonka Jabuuti Sabtidii iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin sida ay BBCD-da laanteeda Afrika sheegeyso.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON