Tuesday, April 30, 2024

Dowladda Jabuuti Danjire cusub u soo magacawday Soomaaliya [SAWIRRO]

Muqdisho, September 08, 2016 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Aden Hassan Aden.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo kulan wada yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya.

Ad

safiirka-jabuutisafiirka-jabuuti1safiirka-jabuuti2Soomaaliya iyo Djibouti waa laba dal oo walaalo ah, kana dhaxeeya xiriir sal adag .

Soomaaliya ayaa kaalin balaaran ku laheyd gobonnimada wadanka Djibouti, iyadoo aqoonsatay qarannimada iyo madax banaanida dalkaasi isla markii lagu dhawaaqay gobonnimada dalkaasi oo ku beegneyd June 27, 1977, waxaana labada dal ay u saldhigeen xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi wadaag ah oo ku dhisan walaalnimo.

Dowladda Djibouti waxa ay kaalin firfircoon ku leedahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).

- Advertisement -

Ciidamada Djibouti waxa ay ka howlgalaan degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya , waxaana dadka Soomaaliyeed ay ugu magac dareen “Hiil Walaal” .

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada

Section of Press and Public Relations

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON