Sunday, May 5, 2024

DEGDEG: Dhulgariir Cusub oo Caawa ka dhacay Dalka Turkiga iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo dalka Turkiga ayaa sheegaya inuu Dhulgariir cusub ka dhacay magaaloyin ka mida dalkaasi oo hore dhulgariirku u waxyeelay.

Dhulgariirka goor dhoweyd caawa ka dhacay Turkiga ayaa cabirkiisu gaaray 6.3 ayaa ku dhuftay gobolka Hatay ee u dhow xadka dalka Syria, wuxuuna dhaliyey argagax iyo burbur gaaray dhismayaal ku yaalla magaalada Antakya ee dalka Turkiga oo hore waxyeelo uga soo gaartay, dhulgariirkii laba toddobaad ee ugu xumaa ee taariikhda dalkaas Turkiga.

Goobjoogayaal iyo muuqaallo laga soo qaaday ayaa muujinaya Dhul gariirka cusub iuu ahaa mid xooggan oo geystay burbur kale oo soo gaaray dhismayaal ku yaalla bartamaha magaalada Antakya, halkaasoo uu xuddun u ahaa.

Ad

Sidoo kale waxaa Dhulgariirka caawa ka dhacay Turkiga laga dareemay dalalka Masar, Jordan iyo Lubnaan, waxaana hadda soo baxaya faahfaahin ku saabsan qasaaraha uu geystay, iyadoo dadka looga digay inay ka fogaadaan dhismooyinka waxyeellada gaartay iyo xeebaha dalkaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Dhulgariirka cusub ay ku dhinteen 3 qof, ayna ku dhawacmeen ilaa 223 qof, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON