Tuesday, April 30, 2024

Danjire Yuusuf Garaad: “CV & Arji aan ku doonayo xilka Ra’iisal wasaaraha uma gudbin Madaxweynaha..” [Qoraal]

Safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa qoraal uu diray ku beeniyay inuu isagu CV ama codsi u diray madaxweye Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu ku doonayo xilka Ra’iisal Wasaaraaha.

Qoraalkan ayaa ka danbeeyay warar la iska dhex maray oo sheegayay in Yuusuf Garaad uu doonayay in loo magacaabo Ra’iisal wasaare, waxaana arrintaas sabab looga dhigay ololaha uu ka waday magaalada Muqdisho iyo xilkii uu ka hayay New York oo uu soo cidleeyay.

Safiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay jireen dad xilka Ra’iisal wasaaraha u soo jeediyay iyo kuwa sheegay  inuu ku fiican yahay, laakiin wuxuu hambalyo u diray saaxiibadaasi.

Ad

Lama oga in Danjire Yuusuf Garaad uu dib ugu laaban doono New York iyo inuu raajicin doono xil wasiir oo ka mida xukuumadda cusub.

HOOS KA AKHRI QORAALKA DANJIRE YUUSUF GARAAD


Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xasan Cali Kheyre u magacaabay in uu noqdo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Warkaan waxaan ka soo xigtay twitter-ka Madaxweynaha. Waxaan u rajeynayaa Xasan Kheyre in Ilaaheey uu ku garabgalo xilka culus ee uu Madaxweynuhu u magacaabay.
Saaxiibbo badan oo iskood saxaafadda iyo toosba iigu muujiyay in ay ila jeclaan lahaayeen xilkaas ayaan u mahadcelinayaa. Waxaanna halkan ka caddeynayaa in aanan marnaba CV iyo arji aan xilkaa Qaran ee muhiimka ah aan ku doonayo aanan gudbin, Madaxweynahana aanan si rasmi ah uga dalbin, lana kulmin sidii uu xilka ula wareegay.
Dhanka kale, muwaaddiniin fara badan ayaa si ku celcelis ah saxaafadda iyo afkaba iga weydiiyay su’aal muhiim ah oo ah sababta aan u joogo Muqdisho iyada oo uu xafiiskeygu yahay New York. Taasna waxaan caddeynayaa in ay tahay sabab xagga maamulka Dowladda oo ay ku baaqatay miisaaniyaddii shaqada lagu wadi lahaa wixii ka dambeeyay bishii September ee sannadkii hore.
Ugu dambeyn waxaan qirayaa in aanan haba yaraatee anigu ka qeyb qaadan ololaha doorashada dalka ka dhacday, taas oo nidaamka iyo anshaxa Diblomaasiyaddu aanay ii fasaxeyn.
Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha uu magacaabay is faham iyo in ilaaheey uu ku guuleeyo mas’uuliyadda ay dhabarka u riteen.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON