Wednesday, May 1, 2024

Danjiraha cusub ee Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Suudaan oo laga guddoomay Aqoonsigii..

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Dalka Suudaan Maxamed Isxaaq Ibraahim oo dhawaan soo gaaray Caasimadda Suudaan ee Khartuum ayaa maanta Nuqul ka mid ah Warqadahiisa Aqoonsiga laga guddoomay.

Danjiraha cusub waxaa Aqoonsiga ka guddoomay Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan Marwo Asma Cabdalla, wuxuuna warbixin ka siiyay xiriirka labada dal ee Somalia iyo Sudan, isagoo ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Suudaan aysan marnaba ka gaabin wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan.

Wasiiradda arrimaha dibadda Suudan Asma Cabdalla ayaa ka guddoontay ayaa u rajeysay inuu safiirka cusub ka shaqeeyo xoojinta xiriirka wanaagsan ee labada dal, waana safiirkii saddexaad ee muddo 2 sano ka yar loo magacaabo dalka Suudaan.

Ad

Danjiraha cusub Maxamed Isxaaq ayaa dhowaan madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Dalka Suudaan, waxaana dhowaan waraaqihiisa Aqoonsi ka gudoomi doona Madaxda xukuumadda KMG ah ee Suudaan jen. C/Fataax Al-Burhaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON