Tuesday, April 30, 2024

Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Gudaha Caasimadda Ukraine iyo Dhismooyin gubanaya (Sawirro)

Ciidamada Ruushka ayaa ka dagaalamaya gudaha magaalada Caasimadda u ah dalka Ukraine, waxaana ilaa xalay socday duqeymo iyo dagaal toos ah oo dhex maraya ciidamada Ruushka iyo ciidamada Ukraine.

Wararkii ugu danbeeyay waxay ciidamada Ruushku duqeeyeen saldhigyada ciidamada Ukraine, Dhismooyin iyo Garoonka Diyaaradaha, waxaana ka mida Daar dheer oo Gantaal uu qabsaday, iyadoo mas’uuliyiinta Ukraine ay sheegeen in Dhismahaasi uu ahaa mid ganacsi iyo guryo dad shacab ah ay degan yihiin.

Dagaal culus ayaa ka socda waddooyinka, waxaana Qaraxyo waaweyn ka dhaceen gudaha caasimadda iyo nawaaxigeeda. Waa markii ugu horeysay oo qaraxyo toos ah iyo dagaallo toos ah oo culus ay ka dhacaan Gudaha magaalada Kiev.

Ad

Maamulka Magaalada Kiev ayaa shaaciyey in la joojiyey shaqadii Tareenada dhulka Hoostiista mara, iyadoo goobahaasi loo bedelay meelo ay dadka ka galaan qaraxyada iyo madaafiicda socota. Sidoo kale waxaa bandow lagu soo rogay caasimadda Kiev laga bilaabo 5-ta galabnimo ilaa 8:00 subaxnimo, iyadoo cid kasta oo socota loo qaadan doono inay tahay caddow.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii si lama filaan ah ay ciidamo ka tirsan Ruushka ku galeen xaafado ka mida magaalada Kiev, iyadoo dagaallo culus oo wadooyinka ka dhacay ay la galeen ciidamada Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa isku dayaya inay qabsadaan caasimadda Ukraine, laakiin waxaa difaac kala hortegay ciidamada dalkaasi, waxayna xaalada isku bedeshay dagaal hareeyay caasimadda Kiev, iyadoo dadka shacabka ah loo qeybiyey hub si ay isu difaacaan.

- Advertisement -

Ilaa shan dhinac ayey ciidamada Russia ka weerarrayaan magaalada Kiev, iyadoo dagaalku dhaliyey burbur xoog leh oo gaaray dhismooyinka shacabka. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa beeniyey inuu ka tegay caasimadda, wuxuuna soo bandhigay muuqaalka isagoo wadooyinka magaalada la jooga ciidamada difaacaya.

Waxay dagaallo culus ka socdaan dhammaan magaalooyinka Dalka Ukraine oo dhan, iyadoo ciidamo hor leh oo fara badan ay Ruushku ku daabulayaan dalka Ukraine, xilli ay socoto dagaal weyn oo Ruushku ku qaaday dalka UkrainÄ™.

Sirdoonka Maraykanku ayaa laga soo xigtay in qorshaha uu yahay in ciidamada gaarka ah ee Ruushka ay gudaha u soo galaan, ayna la wareegaan garoomada Diyaaradaha ee Sikorsky iyo Boryspil, kaasoo ay u isticmaali doonaan in lagu daabulo ciidamo aad u tiro badan oo gaaraya ilaa 10,000 oo askari kuwaas oo geli doona caasimadda Ukraine.

Howsha ugu culus ee ciidamada Gaarka ah ee Ruushka ayaa noqon doonta inay galaan magaalada Kiev, ayna soo qabataan Madaxweyne Zelensky, wasiiradiisa, iyo baarlamaanka, ka hor inta aan lagu qasbin inay saxiiaan heshiis nabadeed oo gacanta u geliya xukunka dalka Ruushka ama nidaamka taageersan.

- Advertisement -
Images show the tower block with a hole covering at least five floors blasted into the side and rubble strewn across the street below
Ukrainian service members look for and collect unexploded shells after a fighting with Russian raiding group in the Ukrainian capital of Kyiv
Ukrainian soldiers walk near debris of a burning military truck on a street in Kyiv, Ukraine on Saturday morning
Volodymyr Zelensky, the president of Ukraine, posted a video on social media on Saturday morning insisting that his country would fight on
Smoke and flames are seen billowing over Kyiv's Peremohy Avenue in the west of the city, near the zoo, in the early hours of Saturday morning
Firefighters extinguish fire in an apartment building damaged by recent shelling in the Ukrainian capital this morning
Ukrainian soldiers are pictured forming up across a highway in Kyiv as they prepare to defend the city from Russian attackers, with gunfire and explosions heard in the centre of the capital
Ukrainian soldiers take position on a bridge inside the city of Kyiv, as Russian forces advance into the capital
Soldiers tasked with defending Kyiv from advancing Russian troops take up positions underneath a highway into the city
Ukrainian soldiers take position next to a highway a bridge during an exchange of gunfire inside the city of Kyiv
Ukrainian soldiers take up positions in downtown Kyiv as the prepare to defend the capital from Russian attackers

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON