Tuesday, April 30, 2024

Dagaal magaalada Muqdisho ku dhex maraya laba ciidan oo iska horjeeda & Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dagaal dhex maray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysan.

Dagaalkan ayaa ka socda degmada Shangaani, gaar ahaan inta u dhaxeysa Xarunta Taraafikada iyo Madbacadii Qaranka, waxayna dadka degaanka sheegeen in la isku adeegsado hubka fudud iyo boobayaasha culus, iyadoo xaafadahaasi lagu kala cararay ayna istaageen isu socodkii dadka iyo gaadiidka.

Waxaa la maqlayaa rasaas culus, iyadoo la sheegay inuu dagaalku bilowday markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay tageen dhismo la deganaa, ayna ku amreen dadkii ku sugnaa inay degdeg uga baxaan, taasoo keenay in ciidamo kale ay u yeertaan dadkii guriga deganaa, halkaasina uu dagaalku ka qarxay.

Ad

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa magaalada si joogto ah uga dhaca dagaallo iyo iska hor imaadyo dhex amra ciidamada dowladda ka tirsan oo siyaabo kala duwan isu heysta, una kala safan kooxo iyo beelo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON