Wednesday, May 1, 2024

Dagaal ka dhacay Saldhigga Daynuunaay ee duleedka Baydhaba iyo ciidamadii oo ka baxay…

Dagaal culus ayaa gelinkii danbe e emaanta ka dhacay degaanka Daynuunay ee Gobolka Baay oo saldhig ay ku leeyihiin ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa K/Galbeed.

Maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhigga ciidanka, waxaa dagaal xoog leh u udhex maray laba dahinac, kaasoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac kala gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada uu qasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray, iyadoo la xaqiijiyey dhaawaca saddex askari, halka Al-Shabab sidoo kale uu gaaray qasaare, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiiqada tirada khasaaraha.

Ad

Dadka degaanka Deynuunay aya asheegay inay Ciidamada Dowladda ka baxeen xerada lagu dagaalamay ee Deynuunay iska hor imaadka kadib, halkaasoo ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxya Saraakiisha milatariga dowladda Federaalka ee Qeybta 60-aad iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku saabsan dagaalkii Deynuunay oo joogsaday Maqribnimadii.

Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay inay wadaan abaabul ay dib ugu laabanayaan fariisinkoodii xerada Daynuunay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON