Tuesday, April 30, 2024

Ciidamadii Badbaado Qaran oo lagu arkay Agagaarka Madaxtooyada “Farmaajo waan soo qabaneynaa..”

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka fudud ayaa degay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, xaafadaha Howlwadaag, Hodon iyo Boondheere, gaar ahaan isgoyska Dabka oo laga ilaaliyo Madaxtooyada; waxaana ka dhex muuqda saraakiishii ka mid ahayd ciidamadii badbaado Qaran.

Ciidamadii badbaado Qaran ee ka hortegay muddo kororsiga uu sameystay Maxamed C/llaahi Farmaajo bishii April 2021, ayaa mar kale lagu arkay wadooyinka caasimadda Muqdisho, iyagoo kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaal ka mida hoggaanka ciidamadaasi ayaa shir jaraa’id caawa ku qabtay Isgoyska Sayidka ee laga ilaaliyo Madaxtooyada, wuxuuna sheegay inay markan soo qaban doonaan Farmaajo oo diiday inuu si sharaf ah kursiga uga tago.

Ad

“Waxaan maanta u nimid inaan aan dib u laaban oo hore u socono.. Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu naga dalbaday inaan gacanta kusoo qabano, waanan soo qabaneynaa….Haddii wax burburaaan waa inta yar ee uu ku jiro Farmaajo, annaga ayaana ka saareyna..” ayuu yiri Gaashaanle Sare C/qaadir Maxamud Warsame (Geylac) sarkaalka hoggaaminaya ciidamada kaabiga ku haya Madaxtooyada ee ku sugan isgoyska Sayidka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON