Wednesday, May 1, 2024

Ciidamada NISA oo Rasaas ku furay Gaari ay ka shakiyeen & Qasaare dhimasho iyo dhaawaca oo ka dhashay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay rasaas ku fureen Gaari ay ka shakiyeen, taasoo dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Arrintan ayaa ka dhacday Waaxda Wajeer  ee degmada Kaaraan, markii ciidamada NISA ee loo yaqaan Alpha Group rasaas ku fureen Gaari Nooca Xamuulka ee Iska-roge ahaa oo soo dhex galay baabuur ay la socdeen, taasoo keentay inay rasaas furaan kadib markii ay uga shakiyeen inuu qarax sido.

Rasaasta ayaa haleeshay dad shacab ah oo jidka marayey, waxaana ku dhintay qof sahcab ah iyadoo sidoo kale uu ku dhaawacmay qof kale, iyadoo Gaarigii aanay waxba soo gaarin oo uu socodkiisii hore u sii watay.

Ad

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamada NISA ee rasaasta furay ay markii danbe goobta ka qaadeen qofkii dhaawaca ahaa oo ay geeyeen mid kamid ah Xarumaha Caafimaadka ee Dadka lagu dabiibo, kana tageen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON