Saturday, May 18, 2024

Cali C/llaahi Cosoble oo Jawaab dhulka la jartay u diray C/llaahi Goodax (Akhriso Qormo xasaasi ah)

-

- Advertisement -

Somalida ma jecla run sheeg oo waxey tiraahdaa run sheeg waa ceeb sheeg. Cabdullahi Godax Barre xilligii Mad Xasan Shekh Maxamud wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka wexeyna aheyd xilligii la dhisaayay dowlad goboleedyada.

Cabdullahi Godax wuxuu diiday inuu xataa qaabilo odayaal Xawaadle oo ka yimid Jubbooyinka ujeedkoodana uu ahaa inuu ku garab siiyo siduu Xawaadle uga heli lahaa kuraas baarlamaan maamulkii halkaa laga dhisaayay, wexeyna aheyd xilli la oggolaaday dhismihii maamulkaa. Raggii intii dhimatay maahee qaarkood waa nool yihiin weyna joogaan.

Xilligii uu socday dhismaha baarlamaanka Koonfur Galbeed ayey rag Xawaadle ah is abaabuleen wexeyna u tageen Shariif Xasan oo ahaa madaxweynaha. Wexey kala hadleen inuusan Xawaadle waayin xaqa uu ku leeyahay Koonfur Galbeed. Shariif Xasan wuxuu ku yiri raggii Xawaadle ee u tagay “Goodax ayaa ah wasiirka arrimaha gudaha, asaga ayaana qoray guddiga odayaasha soo dhisaya baarlamaanka KG ee Murusade iyo Habar Gidirba wuu soo qoray ee Xawaadlana ha ku soo daro si aad xaqiina u heshaan”.

Raggii haddey la kulmeen Cabdullahi Godax wuxuu ugu jawaabay “danihiina raacda howsheydana ha soo faragashanina”. Raggii waa joogaan.Xasan Shekh ayaa annagoo koox siyaasiyiin ah iyo Godax oo ah wasiirkii noogu yeeray dhismaha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh Dhexe, wuxuuna nagu yiri “abtiyaal dalka wuxuu qaatay nidaam federaal ah, qalinkii adinka ayaan idiin dhiibay ee dhisa maamulka labada gobol, wixii caqabad ah ee idinka hor yimaadana anaa xallinaa”.

- Advertisement -

Godax oo qoonsaday aniga iyo rag kale oo meesha joogay ayaa markaan soo baxnay wuxuu toos noogu yiri dhici meyso mana oggoli in maamulkaas la sameeyo. Aniga ayaa u jawaabay oo ku dhahay adigoo wasiirkii Arrimaha Gudaha ah ayaad Xawaadle ka reebtay dhismihii Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, haddana waxaad leedahay Jowhar oo aan si mug leh u degno waxba kuma darsaneyno ee ma waxaad rabtaa Xawaadle inaad ku soo koobto Hiiraan? Kama uusan jawaabin ee wuu naga dhaqaaqay. Raggii wey joogaan.

Markey u soo baxday inuusan hor istaagi karin dhismaha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh Dhexe anigana aan meeshaa ka daneynayo kursiga u sarreeya ayuu maalinkii dambe kaxeystay rag ka mid ah xildhibaannada Xawaadle wexeyna u tageen nin Abgaal ah oo uu ku jiray damac inuu dowlad goboleedka ka noqdo madaxweyne, wexeyna kula heshiiyeen iney ka dhigayaan madaxweynaha ayagana ay rabaan inuu Xawaadle uga dambeeyo, ninkii madaxeeyne doonka ahaana wuu aqbalay.

Kaddib wexey u tageen Xasan Sh Maxamuud wexeyna u sheegeen iney diyaar u yihiin iney taageeraan maamul sameynta labada gobol hadduu fuliyo shuruuddooda oo ah inuu wareegto ku soo saaro iney gogosha taal Jowhar, caasimaddana tahay Buulo burte ayadoo ay ujeeddadooda tahay in haddii Hiiraan wareegto lagu siiyay caasimadda iney Abgaalna soo istaagi doonaan iney ayagana leeyihiin madaxweynaha. Xildhibaanadii waxaa kala shaqeeyay wey joogaan.

Cabdullahi Godax maadaama uu ka shaqeeyay inuu Abgaal qaato madaxweynaha wuxuu damac ka galay inuu asagana qaato madaxweyne ku xigeenka waxaana caddeyn ah inuu Jowhar muddo Saddex bilood ah kireystay hotel halkaa ku yaalla oo ay leeyihiin reer Cabdulle Ciyow, waana la xaqiijin karaa.

Haddeysan aheyn lugooyada uu Goodax ku sameeynaayay Xawaadle saacaddaan Xawaadle wuxuu kuraas qiima leh ku lahaan lahaa Jubbaland iyo koonfur Galbeed, caasimadda Hirshabeelle wexey ahaan laheyd B/weyne wexeyna ku imaan laheyd heshiis ee dekreto laguma soo saareen, madaxweyne aan la isku heysanna waxaa ahaan lahaa Xawaadle.

Carabta ayaa la yiraah intey ku nabto ayey nabigana kaaga hor martaa.Waxaan aad uga xumahay kuwa aan warka halkaan ku qoran akhrin doonin, xaqiiqdana aan daba geli doonin ee lacagta ku qaata iney facebook nagu aflagaadeeyaan.

W/Q: Cali C/llaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Shirkii Madasha Qaran oo Go’aan ka gaari waayey Qodobkii ugu Weynaa (War-Mutiyeed)

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ayaa caawa lagu soo gabagabeeyay iyadoo shirku aanu wax go'aan ah kasoo saarin Qodobkii ugu muhiimsanaa ee...

Wiil 12 jir ah oo si fool xun loogu dilay Galgaduud iyo Dagaal Beeleedyo soo cusboonaaday

Waxaa mar kale dib u qarxay dagaal u dhaxeeya laba beelood oo kasoo jeeda Gobolka Galgaduud, iyadoo falkii ugu danbeeyay lagu dilay wiil 12...

Xujeydii ugu horeysay sanadkan oo gaaray magaalada Medina iyo Qiimaha Xajka oo..

Dufcadii ugu horeysay Soomaalida sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa xalay gaaray Magaalada barakeysan ee Medina, iyadoo sanadkan ay Soomaaliya ka xajin doonaan 11,500 Xaaji.Xajka...

Alshabaab lagu Duqeeyay Degaan ka tirsan Galgaduud iyo ciidamo badan oo ku qulqulaya…

Taliska ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa shaaciyay laba duqeyn oo lagu qaaday maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo ku sugneyd Gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe.Weerarradan cirka...

Maxkamadda Rafcaanka oo Dil Toogasho ah ku xukuntay Ninkii Gubay Xaaskiisa ee Sayid-Cali

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Goor dhoweyd ku dhawaaqday xukun ay ku riday eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan iinuu gubay Xaaskiisii Luul...

Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay oo Xafiiska UNSOM Dib ugu soo celiyay Ergeygii Xilliga Farmajo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa mar kale dib u magcaabay James Swan inuu noqdo sii-hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud...

Maxaa Hoggaamiyaha Khaatumo looga reebay Shirka Madasha Qaran ee Muqdisho..?

Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaa maanta lagu soo dhoweeyay Garoonka diyaaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada...

XOGAHA QARSOON

Dowladda Somaliya miyey ka laabatay go’aankii xeritaanka Xafiiska UNSOM..? (Nuxurka Qoraalka Cusub)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal cusub u dirtay Golaha Amniga Qaramada Midoobay, waxayna mar kale ku celisay sida ay u rabto...

Sida loo khaarijiyay G/Dhexe Aadan Biid, Cidda ka dambeysay iyo Siyaasiyiin ka hadlay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal Dil khaarijin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay Gaashaanle Dhexe Aadan Cumar Ahmed (Aadan...

Yaa ka danbeeya Qarxinta iyo Beegsiga Shaqaalaha iyo Xarumaha Shirkadda Hormuud..?

Waxaa sii kordhaya weerrrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo shaqaalaha iyo xarumaha Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho.Qarixii ugu danbeeyay ayaa dhaliyay dhimashada Lix ka...

Fadeexad Cusub: Leexsiga Raashinka Ciidamada Danab iyo Go’aanka Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab.Qoraalka Wasaaradda ayaa...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you