Wednesday, May 1, 2024

Beel Maamuus u sameysay Ciidamadii iyo Saraakiishii ka hor tegay Muddo kororsigii Farmaajo

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay munaasabad maamuus loogu sameeyay saraakiisha iyo askartii qeybta ka ahaa ciidamada badbaado Qaran ee kasoo jeeda Beesha Murusade.

Xafladda oo la dhacay degmada Deyniile waxaa ka qeyb galay xildhibaannada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada ee Beesha, waxaana loogu mahad celiyey kaalintii ay qaateen ciidaadii iyo saraakiishii uu horkacayey guddoomiyaha Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ee ka qeyb qaatay diidmadii Muddo kororsiga.

Waxaa xafadda ka hadlay Guddoomiye Maxamed Xasan Xaad, xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Xildhibaan Xasan Macallin, xildhibaan C/llaahi Gaafow ,Senator Cabdi Dhuxulow Dhegdheer iyo xubno kale, waxaana ka hadley ugaaska Beesha.

Ad

“Ciidamadu baal dahab ah ayey taariikhda ka galeen, waana wax cusub in ciidamada inay u isaagaan inay dimoqraadiyadda ilaaliyaan, ayna ka hortagaan Afgembi siyaasadeed, waa wax lagu faafi karo..” ayuu yiri Xildhibaan Musharax Mustaf Dhuxulow.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inay doonayaan in dadka ay metelaan qeyb libaax leh ka qaataan halganka, ayna u qalmaan inay dalka hoggaamiyaan.

Senator Cabdi Dhuxulow oo isna xafladda ka hadlay ayaa u mahad celiyey dhammaan ciidamadii ka hor yimid markii madaxda uu ugu horeeyo Maxamed Farmaajo ay laaleen doorashadii dalka, ayna aadeen muddo kororsi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON