Wednesday, May 1, 2024

Axmed Fiqi oo weerar Afka ah ku qaaday Taliyaha Ciidamada Milateriga Jen. Odowaa Raage

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday Taliyaha Ciidmaada Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage.

Qoraal uu si toos ah ugu beegsaday Jeneraal Odowaa ayuu ku sheegay inuu dagaal u aaday Guriceel, isla markaan aanu fahamsaneyn waajibaadka saaran, isagoo ku eedeeyay inuu joojiyey dagaalkii lagula jiray argagxiisada.

“Odowaa wuxuu dagaal u aaday Guriceel asagoo sheeganaya taliyaha ciidanka XDS, shalayna wuxuu hogaaminayey dagaalkii muddo kororsiga qasabka ah ee Muqdisho iyo kii banaanbaxyada lagu diidanaa!” ayuu yiri Axmed Fiqi oo sheegay inuu dhabarka u ridan doono mas’uuliyadda ficilkiisa.

Ad

“Dhammaan wuxuu soo joojiyay furimihii dagaalka ee ciidamada XDS ay kula jireen argagixisada, uma malaynayo taliye ka mid ah kuwii soo maray XDS inuu yeeli lahaa waxa Odowaa yeelayo iyo sida loo isticmaalayo. Waa nasiib darrada ciidamadeena ku habsatay” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Macallin Fiqi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON