Wednesday, May 1, 2024

Alshabaab oo laga qabsaday Saldhig ay ka difaacayeen degmada Aadan-Yabaal iyo qasaare…

Ciidamada dowladda iyo maleeshiyada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay ka wareegeen difaacii ugu weynaa ee Alshabaab u yaallay Gobolka Hiiraan, kaasoo ku dhow xaruntooda degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh/Dhexe.

Dagaal culus oo bilowday saaka aroortii ayaa soo gaaray caawa, waxaana dhowr jeer lagu dagaalamay degaanno ka tirsan degmada Jalalaqsi, markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo ka war helay Shabaab isku urursanaya halkaasi.

Saraakiisha maleeshiyada degaanka ayaa sheegay inay ugu danbeyn Alshabaab ka qabsadeen saldhigii ugu weynaa ee Ceel-hareeri oo 20 KM u jira degmada Aadan yabaal oo laga difaacayey, ayna gaarsiiyeen qasaare fara badan.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab looga dilay dagaalka maanta dhacay ilaa 40 dagaalame, dhaawacayna intaas ka badan yihiin, halka wararka qaarkood ay dhimashada ka badinayaan. waxaana guul ka sheegtay dagaalka saraakiisha ciidamada dowladda iyo maleeshiyada degaanka.

Waxaa dagaalka qeyb k aahaa ciidmaada Danab oo taageero ka helaya Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka. Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegay inay dagaalkii maanta ku dishay 36 Askari oo uu ka mid yahay Axmed Muuse Fiidoow oo ah sarkaal u dhow Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON