Tuesday, April 30, 2024

AKHRISO: Shuruud Nooc Cusub ah oo lagu rogay Musharixiinta Madaxweynaha & ku-xigeenka Puntland

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa maanta soo saaray shuruudaha laga doonayo inay soo buuxiyaan musharixiinta u tartamaya labada xil ee ugu sareeya maamulka Puntland.

Marka laga reebo da’da oo ah inuusan 40 sano ka yareyn, inuusan denbi gelin iyo lacagta diiwaan-gelinta ah ee laga rabo, waxaa shuruudaha madaxweynaha Puntland lagu soo kordhiyey shuruud  cusub oo aan hore loogu arag doorashooyinkii dalka ka dhacay, taasoo meesha ka saaraysa musharaxiin badan oo is sharxay.

Shuruudaha cusub waxaa ka mida:  Inuu dalka ku sugnaa labadii sano ee ugu danbeysay.

Ad

Musharixiin qurbe joog ah oo fara badan ayaa qodobkan caqabad ku yahay, waxayna arrintan hordhac u tahay diidmada dadweynaha ee ka imaaneysa qurbe-joogta fara badan ee xilliga doorashada oo kaliya dalka yimada, kadibna dib ugu laanta dalalkii ay ka yimaadeen.

Doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland ayaa la filayaa in ay dhacdo 8 bishan January iyadoona sida guddiga doorashada ay sheegeen khudbad jeedinta musharixiinta la bilaabayo ka hor maalinta doorashada taariikhduna ay ku astaysan tahay 7 bisha Janaayo 2019.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON