Tuesday, April 30, 2024

Wasiir ka mid ahaa xukuumadii Farmaajo oo dalbaday gargaar caafimaad (Sawirro)

Wasiirkii hore Caafimaadka ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Farmaajo Wasiir Aadan Xaaji Ibraahim ayaa dalbaday gargaar caafimaad dibada ah, isagoo ku dhaliilay dowladda Federaalka inay wax u qaban weysay. Dr. Aadan Xaaji Ibraahim oo ku jira Isbitaalka Recep Tayyib Erdogan Ex Digfeer ayaa sheegay in muddo shan maalmood ka hor ay Isbitaalka geeyeen Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, haatana xaaladiisa ay liidayo.

Wariyeyaal ku booqday Isbitaalka ayaa sheegaya inuu haayo xanuun dhinaca beerka ah oo uu la xanuunsanayay muddo saddex sano. Mar uu Wariyeyaasha kula hadlay Isbitaalka ayuu sheegay in dhowr jeer uu qaliin maray, isla markaana daawooyinkii uu qaatay ay xanuuno kale u keeneen.

Waxaa uu sheegay in Maadaama uu soo noqday Mas’uul xil ka soo qabtay Xukuumadihii hore, aysan jirin cid ka war qabto, gaar ahaan dowladda Federaalka oo uu xusay inuusan ka helin wax kaalmo ah. Dr. Aadan ayaa sheegay in bishan gudaheeda uu dalka HIndiya kula balansan yahay dhaqtar, balse uusan awood u laheyd inuu aado, waxaana uu codsaday in lagu garab siiyo sidii uu u aadi lahaa dalka Hindiya.

Ad

Ugu dambeyn waxaa uu tilmaamay in muddo 30-sano uu shacabka ugu shaqeynayay qaab dhaqtar ahaan, isla markaana uu bulshada ka caawiyo dhinaca caafimaad, balse haatan ay xaaladiisa liidato, isla markaana uu u baahan yahay gargaar.

?

?

?

- Advertisement -

 Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON