Tuesday, April 30, 2024

Xildhibaan Dalxa oo Qeylo dhaan ka soo saaray Boob dhul oo lagu hayo beelaha yaryar ee Muqdisho

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ayaa sheegay in xabsiyada magaalada Muqdisho ay ka buuxaan dad  masaakiin ah  oo aan waxba galabsan, laakiin loo awood sheegtay.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay kusoo badanayeen dhul boobka loo geysanayo dadka aan awoodda lahayn, islamarkaana dadkaasi qaarkood xabsiyada la dhigay si dhulka looga qaato.

Xildhibaanka wuxuu eeda dusha ka saaray Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo cid walba oo arrimahaan quseyso, isagoo sheegay in  looga baahan yahay in ay u istaagaan sidii ay wax badan uga qaban lahaayeen.

Ad

Madaxda sare ee dowladda sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayuu ugu yeeray inay  booqdaan xabsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho si ay xaalada u ogaadaan.

Garsoorka dalka ayuu ka deyriyay, iyadoo hay’adahii garsoorka la laalay mid kalena aan la sameyn, wuxuuna maxkamadaha jira ku eedeeyay musuq.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON