Dadbaa waxay leeyihiin arrinta Galmudug xal ma leh. Waa in dagaal lagu kala baxo. Dagaalka ka hor, waa in la wada hadlo, ciddii nabadda diidana la wada arko, markaasna haddii laga fursan waayo, meel looga soo wada jeesto.
Xalka colaadda Galmudug, haddii niyadsami lagu daro dadaalna la geliyo, aragtidayda, waa wax la dhammeyn karo, waana sidaan:
1. Danta Galmudug waxay ku jirtaa, iney maamulkooda adkeystaan, boorkana ka jaftaan. Dowlad la’aan iyo kala dambeyn la’aan waa soo aragnay. Reer Galmudug ayaa maamulkooda difaacan kara. Ciidan diyaarad lagu keenay iyo siyaasi doorasho doon ah xal waara u keeni maayaan.
2. In Culimada ASWJ aan lala mid dhigin Al Shabaab, loona qiro wixii ay ka qabteen nabadda, doorna laga siiyo la dagaalanka soo rogaal celiyey oo jidadka kala gooyey; lagana qanciyo wixii tabasho ah oo ay qabaan, ha ahaato mid hadda ah, ama mid ka hartay habkii lagu dhisay Galmudugta cusubna laga qanciyo oo laga daaweeyo. Haddii ay damac siyaasadeed leeyihiina, habka lagu heshiiyey oo cid walba mareeyso ay loolanka Siyaasadeed uga qeyb qaataan.
3. Waa in Reer Galmudug fahmaan in colaadda hadda taagan ay tahay mid siyaasadeed, Galmudug dibadeedana laga wado. Waa iney ka weynaadaan inay la kala saftaan dano siyaasadeed oo is haya. Iyagu dhiig walaal oo daata iyo burbur waxaan ahayn ka heli maayaan.
4. Waa in duubabka, dhaqanka, waxgaradka, iyo culimada la siiyo dowrkooda nabadeynta, lagana daayo caburinta, iyo in lagu cadaadiyo inay ama aamusaan, ama la saftaan oogidda dagaalka.
Madaxda iyo waxgaradka HirShabelle iyo Puntland ayaguna wixii ay ku biirin karaan oo wanaag ah ha ku biiriyaan, maaddaama colaad baahda dhiig walaal oo daata iyo burbur waxaan ahayn ka heli maayaan iyo Al Shabaab ka faa’ideysto saameyn ku yeelan doonto degaanadooda.
W/Q: Maxamed Cabdi Waare
Madaxweynihii hore ee Hirshabelle