Booyeeso Itoobiyaan ah oo fal Naxdin leh ka geysatay Sacuudiga [Gabar 11 sano jir ah oo ay Mindi ku dishay]

0

Waxaa si weyn loo hadal hayaa fal naxdin leh oo ay ku kacday haweeney Booyeeso (Jaariyad) Itoobiyaan ah oo dalka Sacuudiga ku dishay gabar yar 11 sano jir ayna dhaawacday wiil la dhashay gabadha oo dhaawac halis ah ay gaarsiiyey.

Haweeneydaan Itoobiyaanka ah oo u shaqeyneysay Reer Sacuudiyaan ah oo magaceeda aan la shaacin ayaa ka faa’iideysatay iyadoo aanay guriga ku sugneyn waalidka Caruurtan waxayna Mindi ku weerartay Gabar yar oo 11 sano jir ah iyo wiil 14 sano jir oo reerka Sacuudiyaanka ay dhaleen.

Wiilka oo lagu magacaabo Cali Sacad ayaa isku dayey inuu haweeneyda ka badbaadiyo gabadha yar, taasoo keentay inay ku soo jeesato oo ay Mindida la dhacdo, waxayna wiilka gaarsiiyey dhaawac 14 jeer ah oo ay Toorey ku dhufatay, waxaase u suuragashay inuu ka cararro oo isku xiro musqusha, isagoo markaas kadib wacay waalidkiisa iyo Booliska.

Haweeneyda Jaariyadda ah ee Itoobiyaanka ayaa markaas kadib weerar ku qaaday gabadha 11 sano jirka ah oo lagu magacaabi jiray Nawaal, iyadoo Tooreydii ay sidatay ku dishay ilaa ay ka geeriyootay, waxaana markaas kadib soo gaaray Guriga Booliska oo haweeneydan gacanta ku dhigay xabsigana u taxaabay.

Falkan ayaa ka dhacay Xaafadda Laban ee magaalada Riyaad Duhurtii Talaadada ee shalay, waxaana si weyn loogu faaqiday baraha bulshada. Caruurta dhibaatadu soo gaartay adeerkood ayaa warbaahinta u sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah oo dhex taallay qoyska iyo Jaariyadda, ayna dhacdadan ku ahayd mid naxdin leh oo lama filaan ah.