Soomaalida Kenya oo Caawa Rubuc Milyan Doolar u ururiyay Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Muqdisho

0

Soomaalida Kenya ku nool oo caawa isugu yimid hotel ku yaalla magaalad Nairobi ayaa ururiyay lacag dhan rubuc Milyan Doolar oo lagu saacidayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Kenya oo uu horkacayo Aden Barre, ganacsato, culimo iyo dadweyne fara badan ayaa lagu yaboobay lacag dhan 250,000 oo Dolar.

Waxa goobta ka hadlay culimada iyo mas’uuliyiin kala duwan iyadoo loo baroordiiqday dadkii lagu laayay qaraxii Muqdisho, waxaana lacagta ku deeqay ka mid ahaa hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aden Barre Ducaale oo bixiyay lacag dhan 10-kun Doolar.

SAWIRRO