DAAWO SAWIRRO: Maalintii labaad ee Shirka Brussels & Madaxweyne Farmaajo oo ka dhex muuqday

0

Shirka Brussels ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta galay maalintii labaad ee ugu danbeysay, iyadoo  ay dhaceen shirar doceedyo uu ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirka Haweenka ee kaalinta Amniga ayaa ka dhacay xarunta shirka iyadoo ay ka qeyb galeen wasiirka haweenka xukuumadda Soomaaliya, wakiilo ka socday Midowga Yurub iyo Q/Midoobay, waxaana shirka tegay madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey.

Shirkii labaad ee ka dhacay xarunta shirka ayaa isna ahaa shirka Ganacsiga Xorta Gaarka loo leeyahay ee ganacstada Soomaalida ay ka qeyb galeen, waxaana shirkaas kadib dowladda iyo rugta ganacsiga ay kala saxiixdeen heshiis ka mid noqonaya Bayaanka shirka.